Wararka
Kulan dhex-maray Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo guddiga gaadiidka xamuulka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii yahaha wasiirka gaadiidka, taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad gelyada wadooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda.
Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.