Wararka
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyayeey dilkii loo gaystay Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo ay koox hubaysan toogatay xili uu ka soo baxay Masjid salaadii cishaha uu ku tugtay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani.
Madaxwayne waare ayaa yiri “anigoo ku hadlaya magaca golayaasha iyo shacbiga Hirshabelle waxaan tiiraanyada la qaybsanay dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani”.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka wasiirka, wuxuuna Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan,qoyskii,Caruurtii ,eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.