Wararka
Dibbad baxyaal buux dhaafiyay wadooyinka Belarus.

Dibad baxyaal caraysan ayaa qabsaday wadooyinka caasimada Minsk ee dalka Belarus. Kumanaanka banaan-baxyaasha ayaana sitay Calamo ka dhan ah madaxweyne Alexander Lukashenko oo si xun ula dhaqmay dadka rayidka ah ee ka soo horjeeda.
Sidoo kale dibad baxyaasha ayaa ubaxyo iyo buufino kala duwan iskuugu keenay magaalada Minsk ee caasimada dalkaasi.
Qaar kamid ah dibad baxyaasha oo la hadlay warbaahinta caalamiga ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay si nabad ah u dibad baxaan taarikhda intii ay jireen.
” Waxaan ku neefsan karnaa xurnimo markii ugu horaysay Noolashayna, waa dareen la fajac leh” waxaa sidaasi yiri Andrey oo dadiisu tahay 33.
inkastoo ciidamada Booliska ay si fool xun ula dhaqmeyn shacabka dibad baxa waday, haddana maalmihii ugu danbeeyay ayay banaanbaxyaashu si nabad ah u wateen dibad baxooda.
dibad baxyadaan ay dhigayaan shacabka reer Belarus ayaa kusoo beegmaayo iyadoo dalkaasi uu muddo 26 sano ah ka talinaayay madaxweyne Lukashenko. kaas oo ay Guddiga Doorashooyinka dalkaasi ay markale ku dhawaaqeen in uu ku guulaystay doorashada ka dhacday dalkaasi taas oo sababtay carada dadweynaha.
Madaxweynaha ay doorashadiisu carada ka dhalatay oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka dibad baxa wado u sheegay in uu diyaar u yahay in uu wada hadal lagalo cid kasto oo ka aragti duwan.
” Haddii aad sidaas fudud ku qiyixayso Jagadaada ama Boos ruux kale,oo ay caddahay ruuxa uu yahay, waan soo dhaweynayaa arrinkaas, waxaan diyaar idiinla ahay inaan wada hadal idinla galo shaqsi ahaantiina” ayuu Yiri Alexander Lukashenko.
Balse madaxweyne Alexander Lukashenko ayaa taasi daba dhigay digniin uu dhanka kale u diray isla dibad baxyaasho oo uu sheegay in haddii ay sii wadaan dibad baxyada uu isna leeyahay caado xun.
“Haddii aad bilawdaan dhaqan aan wanagsanen, aniguna waxaan leeyahay dabeecad xun oo la ceyn ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.