Wararka

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shahaadooyinka KMG gudoonsiiyay 10 xisbi.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad shahaadoon kumeel gaar ah lagu guddoonsiinaayay ku dhawaad 10 xisbi siyaasadeed.

Xisbiyadaan cusub ee la diiwaan geliyay ayaa kala ah: Xisbiga Wadaniga ee Israac, Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah, Xisbiga Hayaan, Xisbiga Dhulka Hooyo, Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed, Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe, Xisbiga Astaan Qaran, Xisbiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliyeed, Xisbiga Dib-u-heshiinta iyo Horumarinta iyo Xisbiga Runta iyo Caddaaladda.

Diiwaangeliyaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada ee GMDQ Maxamed Cumar Axmed Haydara oo munaasabada ka hadlay ayaa ku ammaanay masuuliyiinta xisbiyada dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya uga dhaci lahayd doorasho xalaal ah, waxuuna kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan qaadashada shahaadada diiwaangelinta rasmiga oo ah tan doorashada lagu geli doono.

Dhinaca kale gudoomiye-yaasha xisbiyada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta ee maanta u qabsoontay.

Kumushineer Xuseen Cabdi Aadan oo munaasabada so xiray ayaa masuuliyiinta Xisbiyada kula dardaarmay inay ilaaliyaan shuruucda xisbiyada u yaala si loo gaaro hadafka ah in dalka doorasho dimoqraadi ah ka dhacdo.Image may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 3 people, suit, text that says "ee A GUDDIGA MADAXABANNAAN ee DOORASHOOYINKA QARANKA GMDQ DO NEE N KA INAA MENOA GUD DOC"Image may contain: 3 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close