Wararka

Madax ka qayb gashay aas ka loo sameeyay Agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta.

Masuuliyiin ka socota wasaaradda Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay Aaska Alla ha u naxriistee meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullahi Cabdi oo ahaa Agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta oo ku geeriyooday weerarkii shalay ka dhacay Liido.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala) oo ay wehliyaan agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda ayaa Allah ugu baryay in uu in Janatu Fardowso geeyo Marxuumka.

Waxaa Sidoo kale Aaska loo sameeyay Marxuumka ka qayb galay xubno ka tirsan golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda,eheladda marxuumka iyo culimaa’udiin,kuwaasi oo dhamaantooda rabbi uga baryay in naxriistii Jana uu ka waraabiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close