Wararka
Aas Qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariiste Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa galabta ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariiste Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyooday Garoowe.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa faray Wasaaradda Cadaaladda iyo Madaxtooyada in ay la socdaan hadii ay jirto wax deyn ah oo lagu leeyahay marxuumka si loo bixiyo, wuxuu sidoo kale ka codsaday bulshada in lasoo cafiyo marxuumka, isagoo alle uga baryay inuu geeyo jannatul fardowsa ehelkii iyo qoyskiisina samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.
Sidoo kale waxaa Madaxweyne Ku xigeenka ku wehlinayay aaska Qaran ee loo sameeyay Alle ha u naxariiste Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland uddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan.