Wararka

Wasirka Amniga Galmudug oo dhagax dhigay Xabsi.

Wasiirka Amniga Gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed M. FIQI iyo taliyaha ciidanka Booliska Galmduug ayaa booqasho ku tagay saldhigga caasimadda Dhusamareeb ayagoo u kuurgalay habsami u socodka hawlaha ciidamada Booliska.

Wasiirka iyo taliyaha ayaa dhagax dhigay xabsi qaab iskutashi ah looga hirgalinayo saldhigga caasimadda dhexdiisa, kaasoo ay dhismihiisa gacan ka geysan doonaan bulshada caasimadda, ciidamada Booliska, wasaaradda amniga iyo Qurbajoogta reer Galmudug.

Dawladda Galmudug ayaa siyaasad ahaan u qaadatay in saldhig walba laga hirgaliyo xabsi lagu xiro kuwa danbiyada geysta iyo kuwa danbiyada kala duwan loo xukumo.

Wasiirka ayaa jaaliyadaha reer Galmudug iyo dadka caasimadda ugu baaqay In gacan ay ka geystaan dhismaha xabsigaas muhiimka u ah amniga iyo kala danbaynta Galmudug.Image may contain: 6 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close