Wararka

Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland oo ku geeriyooday Garoowe.

Allah u naxariistee Waxaa Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland ku geeriyoday Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyoodey caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, Golaha Xukuumadda, shaqaalaha Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Marxuum Maxamed Xasan Ciise. Madaxweynuhu, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close