Wararka

Dowlada oo la wareegtay degmada kunturwaarey.

Ciidamada ka tirsan meleteriga Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada kunturwaarey ee hoostagta gobolka Shebelada Hoose halkaasi oo in mudo ah ay ka arimin ka jireen dagaalamayaasha Alshabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa gudaha ugalay degmada ka dib markii howlgal qorsheysan ka sameeyay qaybo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose waxana la sheegay shabaabkii ku sugnaa degmada ay xalay saqdii dhaxe ka baxeen ka dib markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahanyihiin ciidamada dowlada.

Ciidamadanka meleteriga Soomaaliya ayaa markii ay la wareegeen degmada waxa ay xabsiga ka dayeen dad uxirnaa dagalamayaasha Alshabaab iyaga oo kuwo kalena xabsiga utaxaabay ka dib markii ay howlgal balaaran ka sameeyeen degmada.

Wararka laga helayo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay weli howlgallo ka wadaan Xaafadaha kala duwan ee degmada Kuntuwaareey.

Kuntuwaareey ayaa ah degmo ay mudo dheer ka arin jireen Alshabaab waxana ay ka mid ahayd degmooyinka ay ka maamuli jireen gobolka Shabelada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada DANAB ayaa dhanka kale waxa ay sheegeen in howlgalo baaris ah oo isugu jiro Miino baaris iyo raadinta saraakiil katirsan Al-Shabaab in ay ka wadaan Xaafadaha Degmadaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaa wali wax wara kama aysan soo saarin sida ay uga baxeen degmada Kuntuwaareey balse mudoo yinkii udembeyey waxa ciidanka meleteriga ee ku sugan gobolka shabelada ay wadeen howgalo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close