Wararka

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka, Siyaasado Qaranna Ansixiyey.

Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran.

Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021.

Golaha wasiirada Somaliland oo Go'aamiyey In Maxkamadda Sare ee Maamulkaasi Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaarista Doorashooyinka

Golaha wasiirada Somaliland oo Go'aamiyey In Maxkamadda Sare ee Maamulkaasi Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaarista DoorashooyinkaNuura Abdi Iimaan

Posted by TUSMO TV on Thursday, 13 August 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close