Wararka

Maxaad kala socotaa maalinta dhalinyarada Aduunka.

12-ka Augest sanad kasto waxaa caalamka laga xusaa maalinka dhalinyarada aduunka taas oo soo bilaabatay 1985 kadib dhadhaqaaqi ka socday dalka Poland ilaa 1960.

12-ka Augest sanad kasto waxaa caalamka laga xusaa maalinka dhalinyarada aduunka taas oo soo bilaabatay 1985 kadib dhadhaqaaqi ka socday dalka Poland ilaa 1960. xiliyada xagaaga ayay dhalinyarada haysata diinta Catholic iskugu imaan jireen xaro muddo 13 maalin ah iyagoo u dabaal dagaayo maalinka Bulshada taas oo markii ugu horaysay loo dabaal dagay maalinka dhalinyarada 1986 dii.

Xuskii ugu horeeyay ee maalinka dhalinyarada aduunka ayaa lagu qabtay magaalada roma ee dalka Talyaniga 14–15 April 1986 dii waxaa uuna hal ku dhigeeda ahaa ” Markasto u diyaar garoow inaad la xisaabtanta cidkasto oo kugu wacdo rajada aad adiga leedahay.

Xuskii ugu danbeeyay waxaa la qabtay 22–27 January 2019-kii waxaana lagu qabtay magaalada Panama ee dalka Panama iyadoo halku dhig looga dhigay ” Waxaan ahay Adoonkii Alle. Haiigu dhacdo sida uu eraygaadu yahay.

Xuska xigo oo la qaban lahaa bisha August 2022 ayaa dib loo dhigay ilaa bisha August 2023 sababa la xariiro fayraska safmarka ah ee CORONAVIRUS. Walina lama oga in in madashaasi ay wadan doonta magaca maalinta dhalinyarada ee 2022 ama laga badali doona.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Khayre, Siihayaha xilka ra’iisal wasaaraha Mahdi Mohamed Guleed Khadar iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Maxamud Mohamed Cumar Filish ayaa xuska maalinkaani la wadaagay dhalinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho ayaa xusay doorka dhalinyarada ka qaataan dhisida nabada waxaa uuna mahad balaaran u soo jeediyay madaxweynaha dalka sida uu ahmiyad gaar ah ugu bixiyo arrimaha dhalinyarada.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Khayre ayaa dhankiisa dhalinyarada Soomaaliyeed ku tilmaamay mulkiilayaasha dalka isagoo soo jeediyay tallo ah in dhalinyarada ay yihiin waxa kaliya ee mushaakilka iyo dhibta ka saari karo dalka.

“Waxaanu nahay ummad saddex meelood laba ay dadkeedu yihiin dhallinyaro. mustaqbalkeenu waxa uu ku xiran yahay sida aan u maalgashanno dhallinteena. Cidda kaliya ee dalkeena samatabixin karta maanta waa milkiilayaasha mustaqbalka. Hambalyo dhamaan dhallinyaradeena” ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Haddaba dhalinyarada oo lagu qiyaaso in 75% ay ka yihiin mushtamaca Soomaaliyeed door intee la’eg yay ku leeyihiin wax soo saarka dalka iyo ka faa’iideysiga khayraadka.

Xassan Maxumud Cabduulahi waxaa uu kamid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka faa’ideystay kheeraadka uu dalka Allah ku manadeystay isagoo bar baariyo oo xanaaneeno shinida dabadeedka anfacdo malabka ay soo saarta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close