Wararka
Gobalka Banadir oo dhisaayo wadooyinka degmada howlwadaag.

Gudoomiyaha degmada howlwadaag ee gobolkani Banaadir Mustaf Cali Kheyre oo ka duulaya sida ay muhiim u tahya helida wadooyin bilicsan lana tartaami kara wadooyinka ugu muhiimsan ee caasimada ayaa wali wada dhagax dhiga wadooyin ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee degmadaasi isagoo maanta dhagax dhigay mid ka mid ah wadoyinka ugu muhiimsan ee suuqa bakaaraha taa hada la saarayo in ter-log.
Gudoomiyaha ayaa maaanta kormeeray wadada interloga la saarayo taa oo si dar dar ah ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayao wadadaasi maadaama marka hore ay dhibaato ku qabeen isticmaalka dadka iyo gaadiidaka soo galaya gudaha suuqa bakaaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahina ayaa gudoomiyaha degmada howlwadaag uga mahdceliaya sida ugu taaganyahay u adeegida bulsadha iyagoona shaaciyay in gudoomiyaha uu ku dhiiragaliyay inay is kaashadaan si loo dhiso wadadan.
Gudoomiyaha degmada howlwadaag ee Gobolkani Banaadir Mustaf Cali Kheyre ayaa tilmaamay in maamulka degmada howlwadaag uu wax badadan ka qabtay wadooyin burbursan oo ku yiilay degmadaasi isagona fariin u diray shacabka iyo gaadiidlayda ku nool degmadaasi.
Maamulka degmada Howlwadag oo digniin u diray bulshada iyo gaadiidlayda isticmaasha wadooyinka la dhigay interloga ee gudaha degmadaasi.Cumar Buule
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 12 August 2020