Wararka
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka oo Dhalinta Soomaaliyeed ku tilmaamay Mulkiila yaasha dalka.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Khayre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintaan weyn ee caalamka oo idil laga xusaayo maalinka Dhalinyarada caalamka.
Xassan Cali Khayre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku tilmaamay mulkiilayaasha dalka isagoo soo jeediyay tallo ah in dhalinyarada ay yihiin waxa kaliya ee mushaakilka iyo dhibta ka saari karo dalka.
“Waxaanu nahay ummad saddex meelood laba ay dadkeedu yihiin dhallinyaro. mustaqbalkeenu waxa uu ku xiran yahay sida aan u maalgashanno dhallinteena. Cidda kaliya ee dalkeena samatabixin karta maanta waa milkiilayaasha mustaqbalka. Hambalyo dhamaan dhallinyaradeena” ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.