Wararka

Dowlada oo sheegtay in ay gacanta ku hayso lix shaqsi oo ka qayb qatay falkii ka dhacay xabsiga Dhexe.

Siihayaha Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan oo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay weerarkii xalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen howlgalkii ay ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii sida uu sheegay falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socooto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki shalay ka dhacay xabsiga gudahiisa.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada socda wixii ka soo baxa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close