Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kadib markuu arkay madaxweynaha Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad iyo Markuu arkay Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga uu xeer madaxweyne ugu magacaabay G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir in uu noqda Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Sidoo kale G/sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close