Wararka

New Zealand oo aan 100 maalin laga diwaan galin wax qabo xanuunka covid-19.

Dalka New Zealand ayaa xusaayo 100 maalin oo aan ruuxna laga helin xanuunka saf marka ah ee Covid-19 iyadoo ay digniino kalena ay soo baxayaan.

Kiis kii ugu danbeeyay waxaa la diwaan galiyay 1-dii bishii may ee la soo dhaafay markaas oo uu dalka Bilaabay In uu qafiifiyo Xayiraadaha lagula tacaalaayo xanuunkaan dilaaga ah.

Tirada Guud ee dadka Qabo xanuunkaan ayaa gaaraayo 23- ruux kuwaas oo dhamaantoot ku jiro goobaha Karantiilka waloow Maalinimadii Axada ay aheed maalinkii afaraad ee aan cidna laga helin coronaviruska.

New Zealand ayaa kamid ah dadalka sida wanagsan u wajahay la tacaalida xanuunkaan covid-19 iyadoo diwaan galisay 1,219 xaaladod iyo 22 dhimasha ah tan iyo markii uu Fayraskaani soo garay dalkaan dhamaadkii bishii February.

Kadib amaan ay u soo jeediyeen dalalka caalamka, waxaa bishii March la qaaday badi bandawgii saarnaa New Zealand.

Bandaw amin hore ah, xayiraada dhanka xaduudaha ah oo adkeed, fariimo caafimaad oo saamayn leh, Baaris jogta ah ayaa sababtay in dalkaan laga cirib tiro xanuunkaan sida ay sheegeen masuuliyiinta ugu sarayso New Zealand.

Ra’iisal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa soo dhawaysay Aqbaartaan wanagsan waxaa ayna sheegtay in ay sii wadi doonaan dadaalada lagula tacaalaayo xanuunkaan.

“100 maalin waa waqti wanagsan balse caadiyan ma damaanad qaadaayo halista. waa maalma aan sii wadi doona dabcan. Marka aad jogta aduun uu xanuunka safmarka sii kordhaayo waxaa sii soconaayo Qatarta. dabcan waxaan wali si taxadir leh u koontorooli doonaa xaduudaheena. in 100 maalin la xusa waa wax fiican balse haddana waxaan u baahanahay inaan taxadirno. Waxaa sidoo kale wanagsan in maskaxda lagu haayo in aanan rumaysneen in uu jiro dal kale kaas oo uu saameeyay COVID-19 oo yimid booska aan jogna” ayay tiri Marwo Jacinda.

Waxaa jiro dalal kale oo horay u qaaday xayiraada balse kala kulmay rogaal celiska Fayraska safmarka ah ee coronaviruska.

Dalka Vietnam ayaa horaan loo shaaciyay in 99 maalmood aan laga diwaan galin cid qabto COVID-19 balse bishii July ayaa laga helay ruux qabo xanuunka oo dadiisu aheed 57 sano jir kuna noolaa gobolka Da Nang.

Dhamaadkii July gobolka Da Nang ayaa noqday xaruntii ugu weyneed ee uu ka dilaacay coronaviruska.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close