Wararka
Masuuliyiin ka socday Galmudug oo booqday Dhismaha Mashaaricda Nabadda Gaalkcyo.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Ahmed maclin fiqi Iyo Ku Xigeenka duqa Degmada Gaalkcyo Abdirahman mohamed ahmed iyo Masulin kale oo ka Tirsan Galmudug ayaa Maanta Kormeerey Dhismsha Wajigii Sadexaad Waddo Laami ah.
Dhismahaan oo loogu yeero Dhismaha Mashaaricda Nabadda Gaalkcyo ayaa laga hergalinayaa Bartamaha Magaalada Gaalkcyo waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya Maamulada Degmada Gaalkcyo Galmudug iyo Puntland.
Wasiirka iyo Masulinta kale Ayaa Maamulka Degmada Gaalkcyo ku Bogaadiyey Shaqada Quruxda badan Ay ka hayaan.