Wararka

Duqa Muqdisho oo daahfuray kulan aqoon Kororsi ah.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa maanta tababar u furay hawlwadeenada Agaasinka Waxbarashada ee maamulka Gobolka Bananadir.

Tababar kaan oo socon doono 2 maalin ayaa waxaa fulinayo Machadka Tababarada Dowladda Hoose ee Muqdisho waxaana ka faa’iideysanayo ilaa 65 ka mid ah hawlwadeenada Agaasinka Waxbarashada Gobolka.

Guddoomiyaha waxaa daahfurka tababarkaan ku wehlinaayay Qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banadir oo uu ugu horeeyo Gudoomiye ku-xigeenka Howlaha guud Cumar Cali Cabdi iyo Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti).

Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonta ay maanta kororsanayaan hawlwadeenada Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banadir ay muhiimadeedu tahay sidii ay aqoonta ay helaan ugu sii gudbin lahaayeen jiilka danbe.Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: text that says "TABABARKA JIHAYNTA IYO AWOOD DHISKA AQOONEED EE HAWLWADEENADA AGAASINKA WAXBARASHADA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR INDUCTION AND CAPACITY BUILDING WORKSHOP FOR BRA'S EDUCATION DIRECTORATE PERSONNEL UN JPLG TAAGEERADA BARNAAMUKA 5-6TH AUG, 2020 XARUNTA AGAASINKA WAXBARASHADA HQ. BRA EDUCATION DIRECTORATE MAÇHADKA"

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close