Wararka
Wasiirka waxbarashada oo Amar ku bixiyay in Dugsiyada Sare ee dalka laga dhigo buugagta Qaranka ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Amar lagu dhaqan galinaayo in dugsiyada sare ee dalka laga dhigo buugagta Qaranka ee Dugsiga Sare.
Siihayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullahi Godax Barre oo ka hadlay xeerkaan uu maanta ansixiyay ayaa sheegay in ay waajib tahay in Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare laga dhigo dhammaan dugsiyada dalka sannad-dugsiyeedkan.
“Waxaan maanta soo saaray Xeerka Ansixinta iyo Dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka” ayuu yiri Wasiir Godax.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda ee Amarka Dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare.