Wararka

Taliyaha qeybta Booliiska Galmudug oo garay Caabudwaaq.

Taliyaha qeybta Booliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi oo kormeer howleed kumaraya Sadhigyada degmooyinka ayaa gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug General Bishaar ayaa safarkiisa maanta oo uu kaga baxay Xeraale ku sii maray Deegaanada Huurshe iyo Bangeelle kuwaa oo ay ka howl galaan Saldhigyo Booliis, taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray Saldhigyada guud ee goobaha uu tagay isagoo saraakiisha iyo Ciidamada ka dhageystay howlaha ay u qabtaan bulshada iyo hadii ay jiraan culeesyo u baahan wax ka qabasho.

Taliyaha oo safarkiisaan kusii maraya degmooyinka Xorta ah ee Galmudug ayaa socdaalkiisan ku soo beegmayaa xili ciidamada Booliiska Faderaalku ay dardar galiyeen howlaha amniga ee Galmudug, dhowaanna lasoo gaarsiiyay gaadiid saldhigyada qaar lagu wareejiyay.Image may contain: one or more peopleImage may contain: 5 people, people standing, sky, outdoor and natureImage may contain: 1 person, standing, sky, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close