Wararka
Kulan Dhexmaray madaxweynaha Galmudug iyo Duqa Casimada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Intii uu socday kulanka ayaa guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo Madaxweynaha Galmudug ka Wada Hadleeyn Xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Wada shaqeyn dhex marta Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobalka Banaadir.
Labada Masuul ayaa sidoo kale waxa ay inta badan ka wda hadleen xoojinta sidii loga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu Dalku Marayo.