Wararka
Doorka haweenku ku leeyihiin Dhismaha Golaha Deegaanka oo maanta lagu qabtay Dhuusa-mareeb.

kulan looga doodaayay doorka ay haweenka ku leeyihiin Dhismaha Golaha deegaanka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.
Wasiir kuxigenka Wasarada Arimaha Gudaha, federalka iyo Dib-u-heshiisinta Galmudug Axmed cisman aadan ayaa qayb ka ahaa kulanka waxaana ka soo qayb galay haweenka Dagmada Dhuusamareeb.
Intii uu socday kulanka ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ka warbixiyay Wasiir kuxigenka Wasarada Arimaha Gudaha, federalka iyo Dib-u-heshiisinta Galmudug Axmed cisman waxaa uuna sheegay in haweenka ay laf dhabar u yihiin dhismaha golaha Deegaanka Galmudug.