Wararka

Maxaad ka ogtahay Dagaalka Afrika ee Biyaha?

Wax badan ka ogow is mari waaga udhaxeya dowladaha Masar iyo Ethiopia kuwaasi oo isku haysta biyo xireen loo sameyo wabiga Nile.

Biyaha waa tiirka noolasha ama geerida, bulshada oo sii badanayso, dhulka oo sii yaraanaayo iyo isbedelka cimilada oo sii kordhayso. maanta waxaan doonaynaa inaan ka hadalka dhuldha lama taabtaanka ah ee Itoobiya, Sudan iyo Masar. mid kamdi ah lamatabtaanka seddexda dalka, waa “Nile”.

Dhulka Buuralayda ee Itoobiya, Nile waxaa ku tiirsan in ka badan 3 billion oo ruux. waxaana wadaago 11 dal. Nile waxaa uu ku fidsanyahay 10% dhulka Qarada Africa.

2011-kii, 4.8 billion oo dollar ayay ku Itoobiya ku bixisay Mashruuc Miyo xireen ee loo yaqaano Grand Ethopian Renaissance Dam. kaas oo ku yalla xaduudka ay wadagaan Suudan. waxaana la rajaynaayay in la dhameeyo dhamaadka 2018-kii.

Mashruucaan Tamarta loogu badalaayo Korontada ayaa la aaminsanyahay in uu yahay midkii ugu weynaa Qaarada Africa iyo midka 7aad ee caalamka.

Qarniyo badan oo lagu naloonayay soo saarista Cunta, Biyo Iyo amaan waxaa loo gudbay adegsiga dhalinta tamarta ee Korontada kadib marka la soo saaro 5000 oo Megawatts oo ay Itoobiya u qaybin doonta gobolka. Adis Ababa ayaana la aamin sanyahay in ay noqon doonta xarunta qaybinta qulqulka Korontada.

Balse waxaa jiro hal dal oo si aad ah ugu soo hor jeeda Mashruucaan. Masar.

ka soo bilaw, 1874 tii markii uu masar hoggaaminayay Ismacil basha, dagaalkii Itoobiya iyo masar ayaa bilawday. labadii sano ee ugu danbaysayna Itoobiya ayaa ku guulaysatay balse arrimaha Nile wax natiija ah kama soo bixin.

Heshiisyadii la saxiixay 1929 iyo 1959-kii ee u dhaxeeyay Masar iyo Sudaan ayaa maamul aweedeed dhamaystiran u seeyay Qaahiro Biyaha Nile.

Dhibaatooyinkii taagnaa ayaa ah in ay heshiisyada ku dhacaayeen maamulkii Guumaystaha. waxaa intaas dheer in Itoobiya iyo waddamada kale ee ay quseyso arrinkaan aysan kamid aheen saxiixayaasha heshiiska.

Bariyeelid, Qayano iyo is aamin la aan ayaana isasii taraayay Qarniyadii ugu danbeeyay.

1979, hoggaamiyihii Masar, Anwar Sadat ayaa yiri ” waxa kaliye ee Masar Dagaal galin karo waa biyaha”

Maamulka Tooska ah ee biyaha ayaa mustaqbalka u muuqda Itoobiya iyo dalal kale.

Kacdoonkii masar ee 2011-kii ayaa fursad muhiim ah siiyay Itoobiya si ay u hergaliso Mashruuca tamarta looga dhalinaayo Korontada.

Masar ayaa gabi ahaanba dhan Biyo iyo Beerashaba ugu tiirsan wabiga Nile, qaahira ayaana hadda wajahayso hoos u dhac biyo oo gaaraayo 10bn haddii ay sii socotana waxaa masuuliyiinta Masar ka imaan karo gu’aan aan la qayaasi karin.

Sheekadaan ayaa run noqon karto xili ay itoobiyo waddo dhismaha Biyo xireenka oo garayo 74 bn oo Cubic Meter ah.

Haddii 1bn oo Cubic Meter ah la xiro, waxaa beerashada baba’ayaa 200,000 ruux, kala bar (500,000) beeralayna waxaa soo wajahayso shaqa la’aan. haddii ay sii socotana waxaa qadka ka baxayso noolasha 2.5 milyan oo qoys.

Iyadoo Tan laga duulaayo ayuu madaxweyne Sisi ayaa sameeyay in uu xal ka raadiyo Itoobiya.
waxaa Bilawday wadahadalo 2014-kii, 2017-kii balse ma aysan guulaysan.

wadahadala ayaa ka soo dareeyay xili ay Sudan garabsiinaysay Mashruuca ay waddo Itoobiya taas oo horsedi karto dagaal.

Hal nooc oo dagaal ah ayaa Qarada ka socday tan iyo 2010-kii kadib markii labada dhinac ay is dhaafsanayeen fariimo dagaal.

Ra’iisal wasaarhihi Itoobiya Miles Zanawe oo halday ayaa yiri ” Kama baqdin qabo in masaaridu qabsan karto Itobiya. Majirto cid iskudayday oo u noolaata in ay sheekadas sheegto”

Arinta ayaa sii kacday kadib markii u xukunka qabsaday Mohamed Mursi oo ay siyaasiyiintu ku baaqeen in Masar ku duusho Itoobiya. mohamed Mursi ayaana dadweynaha hortooda ka yiri ” Ku difaaca dhiig Dhibic kasto oo biyaha Nile”

Taarikhdii hore, Sudan waxaa ay heshiiska nile la saxiixatay Masar balse markii uu sisi qabsaday xukunka ayay Itoobiyo ku wareegtay 2013-kii.

Tani ayaa kaliyeeshay Masar awoodna siisay itoobiya.

Waxaa sii xumaanaayo xeriirka dalalkaan, Luuqada la isdhaafsanaayo ayaan wanagsaneen hasayeeshe Madaxweyne Sisi ayaa yiri” Masar doonimayso dagaal ay la gasha Itoobiya ama Sudan” Balse wakhtiga ayaa sii socda, xalka wali lama garain. marka suaasha ayaa ah ” Nile ma wuxuu noqon doonaa Isha la wadaago mise goob dagaal oo dhiig ku daato”?

Dagaalka Afrika ee Biyaha wax badan ka ogow is mari waaga udhaxeya dowladaha Masar iyo Ethiopia kuwaasi oo isku haysta biyo xireen loo sameyo wabiga Nile

Dagaalka Afrika ee Biyaha wax badan ka ogow is mari waaga udhaxeya dowladaha Masar iyo Ethiopia kuwaasi oo isku haysta biyo xireen loo sameyo wabiga Nile Yahye Isse Sheikh ayaa warbixintan ku eegayaTurjimada :- @Mohamed Ibrahim Salat Duhul

Posted by TUSMO TV on Tuesday, 28 July 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close