Wararka
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka oo is casilay.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali khayre ayaa ku dhawaaqay in uu Is casilay ka gadaallo markii ay golaha Shacabka ay codka kalsoonida ah kala laabteen golahiisu wasiirada.
“Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed aan u hayay anigoo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Khayre.
Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay in uu guul la taaban karo uu ka gaaray dhinacyada Dhaqaalaha, deyn cafinta, dib u dhiska ciidanka iyo waliba aruurinta xogta ciidamada ayna hadda ku howlanaayeen hirgalinta doorasha wof iyo cod ah.