Wararka

Madaxweyne Deni oo garay Galkacyo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soodhoweeyay magaaladda Gaalkacayo, Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kasoo laabtay Shirkii Dhuusamareeb ayaa safar dhinaca dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wuxuuna la wadaagay Bulshada in Safarka dhulka uu kusoo maray uu Astaan u yahay nabadda iyo wadajirka.

“Safarka Dhuusamareeb marka laga tago Shirkii aan u joognay, wuxuu noo lahaa ahmiyad gaar ah , wuxuu daba socday Shirarkii isdaba jooga ahaa ee aanu Madaxda Galmudug la yeelanaynay, si aan u horumarino nabadda, wadajirka iyo derisnimada” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni .

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug, Haweenka Gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda GaalkacyoImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 9 people, people standing, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close