Wararka
Ra’iisal wasaaraha kalsoonida lagala laabtay ee dalka oo hadda ka soo amba baxaayo Galmudug.

Waxaa Goordhaw Garoonka diyaaradaha Ugaas nuur ee caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka soo Amba baxaayo Ra’iisal wasaaraha codka kalsoonida lagala laabtay ee Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Xassan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho uu qabto Shir Jaraa’id oo uu kaga hadlaayo xil ka qaadista ay maanta ku sameeyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa taageeray goaanka ay golaha shacabka codka kalsoonida kala laabteen Xassan Cali Khayre