Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay go’aanka G/Shacabka ee Kalsooni kala-noqoshada Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close