Wararka

AFRICOM oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay Miiga deganada Puntland oo lagu dilay Xubno ka tirsanaa Daacish.

Holgal ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa ka dhacay Miiga deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Taliska Ciidamada Marakanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray howlgal ay sheegeen in ay ku qaadeen kooxda la magac baxday ISIS ee daacish 21-kii bishaan luulyo.

Holgalkaan oo ka dhacay agaarka deegaanka Timirshe oo 140 km dhanka koonfur bari kaga beegan Magaalada Boosaaso ayuu sheegay Taliyaha ku xigeenka Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Jeneraal Miguel Castellanos in ay ku dhileen 7 xubnood oo ka tirsan Daacish ta Soomaaliya.

Taliye Ku xigeenka Ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in xiliga uu howlgalkaani dhacaayay ay ciidamada Maraykanka ku sugnaayeen deegaankaasi si ay garab iyo talaba u siiyaan ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Jeneraal Miguel Castellanos waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan taageerida ay siiyaan ciidamada xogga dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close