Wararka
Golaha wakiilada ee Puntland oo ka dooday xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Caasimada Garowe ee Puntland waxaa ka qabsoomay Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad , Ismaaciil Maxamed Warsame.
Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa dood sharci ah ka yeeshay u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, dood dheer ka dib, Guddoonka Golaha Wakiillada & Xildhibaanada ayaa isku raacay in loo yeero Xeer-ilaaliyaha Guud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Hoggaanka Taliska Ciidanka Asluubta Puntland si su’aalo looga weydiiyo Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, maalinta sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay Luuliyo 25, 2020.