Wararka
Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS oo meel mariyay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodi caadiga ahaa ayaa ka dooday qodoba dhoowr ah oo uu kamid yahay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.
Dood dheer kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.
Kulankaan oo ay goob joog ka ahaayeen 142 Xildhibaan ayaa waxaa cod gacan taag ah haa ugu codeeyay 137 Xildhibaan, waxaa diiday 3 halka 2 xildhibaana aay ka aamusayn sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.