Wararka

Maamulka Gobolka Banadir oo isku diyaarinaayo Xuska Sanad guuradii ka soo wareegatay Masiibadii ka dhacday xarunta Aqalka Hoose Xamar.

Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qabanqaabada xuska 24 July iyo 1da August oo ku beegan Musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan oo ka dhacay xafiiska Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka tirsan Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Dowladda Hoose, iyadoona la isla qaatay in Xuska Dhacdadii 24July iyo 1da August si weyn loo xuso.

24 July -2019 ayaa masiibadii ka dhacday Aqalka dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa ku geeriyooday Mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Duqii hore Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).Image may contain: 1 person, sitting and glassesImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: one or more people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close