Wararka
Werar gaadmo ah oo lagu dilay askar ka tirsan ciidamad dalka Nigeria.

Ugu yaraan 23 askari oo ka mid ciidanka dowlada Nigeria ayaa waxaa lagu dilay weerar dhaba-gal ah oo ay ku soo qaadeen dooxato kaas oo ka dhacay tuulo ku taala galbeydka-waqooyi ee dalka Nigeria. sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka nabadsugida ee dalkaas.
Kooxda qawaleysatada ayaa rasaas huwisay askarta xili ay dhex marayeen keyn ku taala degmada Jibia ee ka tirsan gobalka Katsina.
Meedadka 23 askari ee la dilay markii wadartooda la xaqiijiyay waxaa soo baxday in qaar ka mid ciidanka ay maqanyihiin. Sidaasi waxaa sheegay afhayeen u hadlay ciidanka militariga Nigeria.
Sido kale sabtidii, isla goobtaasi, waxaa ku dhintay 5 caruur ah waxana ku dhawacmay 6 kale oo iyagana caruur ah ka dib markii uu bam si lama filaan ah u qarxay.
Burcadaan ayaa waxa ay dileen ku dhawaad 8, 000 oo ruux tan iyo sanadii 2011-kii waxa ayna barakiciyeen dad gaaraya 200,000, sida ay sheegeen koox wax ka qorta dhibaatooyinka oo fadhigoodu yahay magaalad Brusses ee dalka Belgium.