Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyay ee Dhusamareeb ku dhexmaray madaxda Qaranka iyo Kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.
Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa xaadir ku ahaa kulanka.