Wararka
Garsoore sare oo ka tirsan axkamada cadaalada Mareekanka oo shaaciyay in aysan shaqada ka fariisan doonin.

Garsooraha ugu sareeya maxkamada cadaalada Mareekanka oo aan hawl-gebi doonin.
Garsooraha ugu sareeya maxkamada sare cadaalada ee dalka Mareekanka Ruth Bader Binsburg ayaa sheegtay in ay mareeyso Kemodarabi ( daween) kadib markii laga helay xanuunka kansarka.
Garsoorada 87 jir ah ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay daweenteeda in ay ka soo baxayeen ‘’ natiijoon wanaagsan’’ sido kalena waxa ay sheegtay in ay si buuxda u awoodo in ay sii wadato shaqadeeda.
Marwo Ginsburg waxa ay sheegtay in Scan-ka uu ka soo muuqday nabarro beerka kaga yaalay, kuwaas oo uu sababay xanuunka kansarka , balse baxnaaninteeda ay iyada in badan ka caawisay in ay ka yaraadeen nabarrada kaga yaala beerka.
Garsoorada ayaa dhoor jeer u gashay cisbitaalka si xanuunka haya looga baxnaaniyo sanadadii u dambeeyay balse, waxa ay shaqadeed ugu soo laabaneysay si deg deg ah xili walba.
‘’ waxa aan u dulqadanayaa baxnaaninteyda si wacan waxaanna I dhiirigelinaya guusha daweenteyda ‘’, ayey tirri. Isla markaana Daaweenta waxa aan u sii wadandoonaa si labo toddobaadle ah si xanuunka kansarka ah ee I haya oo iiga suulo.