Wararka
Madaxweynaha dalka oo gaaray Dhuusa-mareeb.

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray caasimada Dhuusa-mareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa markii uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Dhuusa-mareeb waxaa soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Saraakiisha ciidamada Xogga dalka ee ku sugan Galmudug, Qaar kamid ah wasiirada XFS, masuuliyiin kale iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Magaalada Dhuusa-mareeb ayuu madaxweynuhu kaga qayb gali doonaa gogol wadatashi ah oo uu furay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaariye Qoor Qoor kaas oo galaayo wajigiisa labaad.