Wararka
Wasiir Bayle oo kulan la qaatay hey’adda USAID.

Wasiirka wasaaradda Maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Dualle Bayle ayaa maanta kulan la qaatay madaxda hey’adda USAID xafiiskooda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in isaga iyo madaxda ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada Hey’adda ee Soomaaliya.
“Waxa aan maanta shir la qaatay madaxda hey’adda USAID xafiiskooda Soomaaliya. Waxyaabihii aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada Hey’adda ee Soomaaliya” ayuu yiri wasii Bayle.