Wararka
May’dka Marxuum Xasan Abshir Faarax oo laga dajiyay Garowe.

Waxaa Goordhaw Garoonka diyaaradaha Garoowe laga dajiyay Maydka Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.
kolki laga soo dajiyay diyaarada sida gaarka ah u siday Maydka Marxuumka ayaa waxaa salaada janaasada ku tugtay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, isimo, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madaxda kala duwan ee dhamaantoot ka soo qayb galay Salaada janaasada ah ayaa Ebba ugu baryay marxuumka in uu Janadii fardowsa ka waraabiyo waxaana hadda socda aaska Qaran ee loo samaynaayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.