Wararka

Cinwaanada Aalada Twitter-ka oo ay leeyihiin maalqabeeno iyo madaxweynala Maraykan ah oo la Jabsaday.

Dad tuugo ah ayaa waxa ay jabsadeen arbacadii shalay Twitter-rada ay leeyihiin siyaasiyiinta, bilyineerada ah amma (maalqabeenta) , iyo shirkadaha waaweyn.

Habka loo jabsaday akoonadooda twiter-ada ayaa ka mid ahaa qoraalo been abuur ah oo la soo dhigay baraha Twiter-ada sida; madaxweynihii hore ee Mareekanka Barack Obama, joe Diden oo ah nin u tartamaya doorashada Madaxtinimo dalka Mareekanka ee soo socota, Mike Bloomberg oo isna ah maalqabeen weyn, iyo in kabadan oo ah maalqabeenta tignoolajiyada ku can baxay , oo ay ka mid yihiin Madaxa fulinta Shirkada Amazon Jeff Bezos, Bill Gates iyo Madaxa fulinta shirkada Tesla Elon Musk.

Qoraalo been abuur ah ayaa dadka loo diray oo u qoran sidaan “Ii soo dir $ 1,000, waxaan kuu soo dirayaa $2,000 oo doolar, marka cid walba waxa ay I weydiinayaa in lacagteeda aan dib ugu celiyo’, ’ Bill Gates ayaa qoaraal uu bartiisa soo dhigay sidaasi yirri’’.

Xaallada Twiterka wey inagu adagtahay maanta. Inagoo dhanba aad baan ugu xunnahay waxa dhacay, ‘’sidaasi bartiisa waxaa ku soo qoray Madax Fulinta ee Twiterka Jack Dorsey’’.

Dorsey ayaa hadalkiisa ki daray in ay ka xunyihiin falka dhacay baaritaano dheerina ay samaynayaan.

“waxa aan wadnaa baaritaan, waan idinla wadaagidoonnaa waxkasta markaan helno xog dhameystiran oo ah sida ay wax u dhaceen’’.

Afhayeenka Bill Gates ayaa waxa uu u sheegay wakaalada wararka ee AP ‘’waxa dhacaya in ay umuqato in ay qayb ka tahay arrin qatar ah oo ay shirkada Twiter-ka wajaheyso’’.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close