Wararka

Habeeney la weysanaa oo maydkeed laga helay haro/war ku taala gobalka California ee dalka Mareekanka.

Maydka haweeneyda oo laga helay haro ku taala gobalka California ee dalka Mareekanka ayaa la aqoonsaday in ay xidigta Glee Naya Rivera oo beryahan la weysanaa. Sida ay baliiska xaqiijiyeen.

Rivera oo 33 jir ayaa la waayay maalintii arbadii ka dib markii iyada iyo wiil ay dhashay oo 14 jir ah ay isku raaceen harada Piru. Intaa waxii ka dambeeyana Wiilka oo kaligiisa ah ayaa doonida laga helay isagoo hurdsaysan.

Rivera ayaa waxa ay caan ku ahayd ciyaarista dheesha loo yaqaano Qoob ka cayaarka (Cheer Leader Santana Lopez) taaasoo ah taxano madadaalo laga daawada Tv ku yalla dalkaasi.

Rivera inankeeda ayaa Booliska u sheegay in isaga iyo hooyadii ay u baxeen si ay u soo dabaashaadan, balse iyadu ma aanay soo laaban. Ka dibna Booliska ayaa ku dhaqaaqay baadigoob balaaran iyo hawlgal samatabixin ah ,balse wax raad oo Rivera ah lama soo helin.

Ugu dambeytii Koox naaquudeyaal ah oo goobayay gabadha ayaa waxa ay gabadha maydkeeda ku heleen agab biyaha wax-looga baaro oo ay adeegsadeen isniintii shalay.

Shirjaraa’id oo ka dhacay xeebta harada Piru isniintii, ayaa taliyaha Booliska qaybta ismaamulka Ventura county Sheriff uu sheegay in ciidanka Booliska ay ‘’ ku kalsoonayeen in maydka uu ahaa xidigta Rivera’’.

Hadalkiisa ayaa waxa uu sii raaciyay in halkaasi aan lagu arag fal-dambiyeed lagu tuhmayo in la dilay mise ay iyada qudheeda isdishay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close