Wararka
Dab sababay qarax qasaare gaystay oo ka kacay markab oo ay leeyihiin ciinka bada ee mareekanka.

Qarax ka dhashay gudaha markab ayaa sababay qasaaro nafeed iyo mid maal waxaana ku dhaawacmay 21 qof, 17 ka midna ay yihiin askar ka tirsan ciidanka bada ee mareekanka kaas oo ka dhashay dabweyn oo ka kacay markabka axadii shalay xili uu ku xirnaa saldhig ay leeyihiin ciidanka bada ee Mareekanka oo ku yaala gobalka California, sida uu xaqiijiyay Taliyaha ciidanka hawlgalada bada ee mareekanka.
‘’waxaan aad iyo aad uga mahadcelineynaa jawaabta deg dega ah ee ay ka bixiyeen dadka deeganka ah , ciidanka sadhiga ku sugnaa, iyo ciidanka dabdamiska oo iyagana saarnaa markabka , ‘’ Taliyaha ciidanka hawlgalada bada ayaa sidaas twiter-kiisa ku soo qoray.
Markabkaan ayaa waxaa uu cabirkiisu gaarayaa 2 57 metre waxaana la arkaayay Uuro cirka isku shareertay xiliga uu dabka kacaayay.