Wararka
Maxaa qasaara ah oo ka dhashay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho?

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali.
Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Taleex ee degmada Hodan abaaro 10:00 barqanimo ayaa qabsaday gaari nuuca (Landcruser-ka) ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed,waxaana ku dhintay 2 askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo la socday gaarigaasi oo miinadu ay la kacday.
“Waxaa saaka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo soo boodoyda ahaa,waxaana ay la kacday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan booliska,2 askari waa ay ku geeriyootay,2 kalena waa ay ku dhaawacyeen, oo gaariga la socday,mana jiraan dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay”. ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta dowlada.
Dhaawacyada ayaa loo qaaday xarumaha caafimaad oo lagu dabiibayo,iyadoo ciidamada ammaanku ay wadaan hawlgalo ku aadan sugidda ammaanka iyo dabagalka wixii sababay qaraxaan.