Wararka

Wasiirka Cadaalada XFS oo garay Baydhabo sidoo kalena dhagax dhigay xarun cusub.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji IYO wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magalada Baydhabo ee caasimada kmg Maamulka kgs

Wafdiga wasiirka ayaa waxa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeya Guuto Mahad C/raxmaan Aadan waxana ujeedkan wafdigan ay utageen Baydhabo ay aheyd Dhagax dhigay Xaruun loo qorsheeyey in laga dhiso Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa goroonka diyaradaha Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo ku soo dhoweyey wasiirka wasarada cadaalada KGS ,godomiyaha maxkamada sare KGS xilibaano iyo qeybaha kala duban ee buslahada ku dhaqan magalada Baydhabo.

Soo dhoweyn ka dib masuuliyiinta ayaa kormeer ku tagay xarunta loo astteeyey in laga dhiso xabsiga dhaxe ee magalada Baydhabo kaasi oo dhismihiisu ay iska kaashanayaan Dowlada fadaralka Soomaaliya,mamaulka KGS iyo hay’ado caalami ah.

UGU horeyn godomiyaha maxkamada sare ee KGS dr. Axmed Cali Muuse iyo wasiirka wasarada cadaalada mamaulka KGS Maxamed Xuseen Xasan oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin mashruucan lagu dhisayo xabsiga dhaxe ee magalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeya Guuto Mahad C/raxmaan aadan ayaa goobta ka sheegay in dhismaha xabsiga uu wax badan ku soo kordhin doono shacabka ku dhaqan magalada baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji oo dhagax dhigay xaruntani ayaa ugu dembeyn sheegay in dhismaha xabsigan ay qeyb ka tahay qorshe dowlada fadaralka soomaliya ay ku doonayso in xabsiyo waa wayn ugu dhisto dhamaan dowlada goboleedyada dalka ka jira.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close