Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay dhagaysiga eed ka dhan ah Askari dil u gaystay qof shacab ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta billowday dhageysiga eed ka dhan ah Askari Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay marxuumka lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa Sigaar.

Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen, Cabdullaahi Buule Kameyn ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin.

https://www.facebook.com/TUSMOTV.SO/videos/312397939899373/?t=22

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close