Wararka
Wasiirka gaadiidka “Dadaal dheer ka dib waxaan ku guuleysanay in si buuxda maanta aan u maamuleyno hawadeena”

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salad Omaar ayaa ka war-bixiyay halka ay marayso soo wareejinta hawada Soomaaliya waxaa uuna sheegay in dowlada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegtay maamulka Hawada dalka.
Wasiirka ayaa ku dheeraaday caqabadihii ay la kulmeyn tan iyo markii ay go’aansadeen in ay la soo wareegaan maamulka hawada Soomaaliya oo in muddo ah laga maamuli jiray dalka Kenya.
Sidoo kale Wasiir Omaar ayaa u mahad celiyay Ra’isal wasaaraha dalka oo uu sheegay in la’aantiis aysan waxba u suurta gali laheen.
Wasiirka Salaad Omaar waxaa uu mahad gaar ah u jeediyay shaqalaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya oo uu uu sheegay in ay u badan yihiin dumar taasna ay ka micno tahay sida ay ugu go’antahay xaqsiinta shacabka Soomaaliyeed si isla eg.