Wararka

Midowga Yurub oo daawo soo gaarsiiyay Soomaaliya

Diyaaradaan oo siday deeq daawo ah oo katimid midowga Yurub ayaa maanta Wasaaradda caafimaadka dalku kula wareegtay garoonka diyaaraha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,taas oo qeyb ka ah gurmadka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heleyso caalamka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan-Cadde ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Midowga Yurub ee Muqdisho waxaa ay deeqdaasi dawada ah ku wareejiyeen Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka XFS Fowziyo Abikar Nuur Oo ay garabkeedu taagan yihiin masuuliyiin katirsan Safaaradda Midowga Yurub ayaa ka mahad Celisay Deeqda Daawada ah ee Maanta lagu wareejiyey.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close