Wararka
Shil Gaari Oo Dad Badan Ay Ku Dhinteen Ayaa Ka Dhacay Dalka Cupa.
Shil Gaari oo ka dhacay Bariga dalka Kuuba ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan toddobo qof, oo ay kujiraan afar ajaanib ah, halka tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Laba kamid dadka ajaanibta ah ayaa kasoo jeeda dalka Argentina halka mid kalena uu ka yimid Faransiiska mid kalena uu u dhashay Jarmalka.
Dad gaaraya 33 qof ayaa ku dhaawacmay, oo ay kujiraan muwaadiniin u dhashay dalalka, UK, Maraykanka, Canada, faransiiska, Netherlands iyo Spain.
Gaariga baska ah ayaa shilka ku galay meel u dhow magaalada Guantánamo kaas oo u kala gooshayey Baracoa iyo magaalada caasimadda ah ee Havana,
Darawalkii gaadhiga ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in uu gaadhiga u waday si aayar ah balse uu xakamayn kari waayey waddada oo qoyanayd awgeed. goobjoogeyaal ayaa sheega in gaadhigaasi uu isku dayey in uu dhaafo gaadhi kale.
Gaadhiga baska ah oo ay lahayd sharikad dawli ah oo lagu magacaabo Viazul ayaa siday 40 rakaab ah, oo ay ku jiraan 22 ajaanib ah.