Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka oo dowlada Qatar kala hadlay xoojinta xeriirka labada dal.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ka warbixiyay kulanka uu la qaatay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman waxaa uuna sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.
“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan magaalada #Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga”. Ayuu Ra’iisal wasaare Khayre ku soo qoray Bartiisa facebook-ga.