Wararka
Golaha wakiilada Puntland oo ka soo hor jeestay matalaada Gobolka Banadir uu ku yeelanaayo Aqalka Sare.
Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Magaalada Garoowe ee caasimada maamul Goboleedka Puntland waxaa maanta ka furmay Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad , Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 42 Xildhibaan, iyadoo Ajandaha kulankana uu ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2019-ka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawlad goboleedka Puntland Cumar Xasan Cumar (Fiqi) ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda dalka 2019.
Golaha ayaa ka dib isku raacay soo akhrin muddo saddex berri ah, ka dibna Golaha loogu soo celinayaa maalinta Khamiista July 2, 2020 si looga doodo ansixinta Miisaaniyadda.
Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Puntlan oo hadal ka jeediyay Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 46-aad ayaa si aad ah ugu soo jeestay go’aankii ay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen Maqaamka Gobolka Banadir.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay dowlada ku fashilantay in ay dhamaystirto Dastuurka qabya Qoraalka ah iyo doorashooyinka la sugaayay in ay waqtigooda ku qabsoonta waxaa ayna hoosta ka xariiqeen in ay badalkeeda umada Soomaaliyeed lagu mashquuliyay maqaamka gobolka Banadir iyagoo dhanka kale baaq u diray xildhibaanada reer Puntland ee ku jiro Golaha shacabka.