Wararka
Banaanbax lagu taageeraayo go’aankii golaha shacabka ee matalada gobolka Banadir oo ka dhacday casimada.
Isku soo bax lagu taageerayo go’aankii Xildhibaanada golaha Shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen matalaada uu gobolka Banadir ku yeelanaayo Aqalka Sare ee dalka ayaa ayaa lagu qabtay fagaaraha Daljirka dahsoon.
Waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobokka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir, saraakiisha Ciidmaada, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Mohamed Mohamud Cumar Filish ayaa madaxda Qaranka iyo xildhibaannada golaha shacabka uga mahad celiyey meelmarinta maatalaadda Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay in kulan kan ka duwan lagu marti qaadi doona dhamaan xubnaha xildhibaanada golaha Shacabka kaas oo ku saabsan mahad naq ku aadan meelmarinta maqaamka Muqdisho.