Wararka
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shaacisay in dalka aysan dorashada ka dhici ka rin xiligii loogu tala dalay.
Komishineerada Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada federalka ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo ISmaaciil Xaliimo Yareey oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysi u jeedisay Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaiya ayaa sheegtay heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen diyaarinta nooca doorasha ee dalka lagu wada in ay ka qabsoonta.
“Shantii sano ee u dambeysay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranku wuxuu ku guda jiray u diyaar garawga doorashooyin guud oo qof iyo cod ah. Wuxuu ku guulaystay dhismaha awoodda hay’adda Guddiga, kor u qaadidda aqoonta hawlwadeennadiisa, diyaarinta qabyo qoraalka xeer-nidaamyaasha muhiimka u ah hirgelinta doorashada, diyaarinta manhajka wacyigalinta codbixiyaha, diiwangalinta ku meelgaarka ah ee xisbiyada siyaasadda iyo diyaarinta qorsheyaasha farsamo ee hanaanka doorashada’ ayay tiri Marwo Xalimo.
Sidoo kale guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in uu guddiga ku guulaystay in uu xafiisyo ka furta gobolada dalka si dadweynaha loo gaarsiyo doorasha qof iyo cod ah.
“Waxaa Guddiga ku guulaystay in uu xafiisyo ka furo inta badan gobollada dalka. Ujeedooyinka ugu waawayn ee xafiisyadan ayaa ahaa in Guddigu gaarsiiyo dadwaynaha Soomaaliyeed howlaha doorashooyinka isla mar ahaantaana uu dalka ka sameeyo tirakoob goobaha noqon kara xarumo iiwaangelin iyo codbixin uuna xog ururin ka sameeyo gobollada dalka” ayay hadalkeeda sii raacisay.
Guddoomiyaha ayaa ku dheeraatay dib u dhac ku yimid xiligii loog tala galay in ay doorashada qabsoonta oo aan suurta galin ayadoo ku sababaysay arrimo jiro aawadood.
“Haddaba waxaan ka hor caddaynaynaa Barlamaanka iyo ummada Soomaaliyeed in doorashada ku dhacaysa habka biometric ka ah aysan suurto gal ahayn inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay ee ahaa Nov 27, 2020 sababaha aan soo sheegnay dartood. Sidaa darteed, Annaga oo xaqiijinayna nooca doorasho ee sharcigu qeexay, isla markaana tixraacayna howlaha muddaysan ee sharciga ku xusan, Waxaan cadaynaynaa in ay doorashada ku dhacaysa nooca biometricka ah ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah oo ka bilaabmaysa July 2020 kuna eg Aug 2021” ayay ka hor tiri golaha shacabka Xaliimo Ismaaciil.